Al Shabaab oo Dhagax ku dishay Hooyo dhashay 10 caruur ah

Image

SAAKOW, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay 10 caruur degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, oo Kooxdan ay aad ugu awood badan tahay.

Hooyada oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq, ayaa lagu dilay dhagax fagaaro ku yaalla Saakow, kadib markii xukunkaasi ay ku riday Maxkamad ay leedahay Al shabaab oo degmadaasi ka shaqeysa.

Maxamed Abu Cabdalla, Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka sheegay goobta in Xabiibo iyadoo xaas ah oo la qabo guursatay Nin kale sidaasina ay ku mutaysatay in dhagax lagu dilo.

Boqolaal qof oo shacab ah, islamarkaana ay kamid ahaayeen Haween iyo Caruur ayaa iney daawadaan lagu khasbey dilka Xabiibo, oo argagax iyo cabsi xoogan geliyay dadka ku nool guud ahaan Jubbada Dhexe, oo ku hoos jira xukunka adag ee Al Shabaab.

Cali Ibraahim oo ah ninka qabey Xabiibo, ee 10-ka canug u dhashay ayaa dacwad iyada ka dhan ah u gudbiyay Maxkamada Al Shabaab, isagoo ku eedeeyay xaaskiisa inay nin kale ku guursatay deegaan lagu magacaabo Hagar, oo ku dhaw saakow, kadib markii isaga uga soo tagtey inay aadayso Muqdisho, si ay usoo salaanto qaraabadeeda.

Xabiibo waxay deganayd deegaanka Salagle, oo ay ku dhashay caruurta, sida Al shabaab sheegtay. Saakow waxay 515Km dhinac Koonfur Galbeed uga beegan tahay magaalada Muqdisho.

Inta badan Al shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ka fulisa xukuno dil, qoor goyn iyo gacan goyn ku fulisa dadka lagu soo eedeeyay basaasnimada, xatooyada iyo dembiyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM