​Al Shabaab oo dhowr weerar ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose

Image

QORYOOLEY, Somalia- Malleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa xalay dhowr weerar ka fuliyay saldhigyo ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarada ayaa waxay ka dhaceen saldhigyo military oo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Lambar-konton, Qoryooley iyo Ala-yasir, sida lagu qoray Warbaahinta Al shabaab.

Al shabaab waxay sheegtay in tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhigyada AMISOM iyo ciidanka dowladda Somalia, ee degmada Qoryooley, oo qiyaastii 120Km Koonfur-galbeed uga beegan Muqdishu.

Weerarada oo ahaa kuwo gaadmo ah, ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM  iska caabiyeen Maleeshiyada Al shabaab, oo inta badan weerarada ku-dhufo ka dhaqaaq ah ku qaado deegaanada ay maamusho dowladda Somalia.

AMISOM iyo Saraakaiisha ciidamada Dowladda Somalia ee gobolka Shabeellaha hoose kama aysan hadlin weerarada ay Al shabaab sheegeen inay ka geesteen xalay gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM