Al shabaab oo dib ula wareegtay Badhaadhe

Image

BADHADHE, Somalia-Malleeshiyada Al shabaab ayaa dib ula wareegtay degmada xeebta ku taala ee Badhaadhe kadib dagaallo ay la galeen ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Militariga dowladda Kenya.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa dib uga soo baxey degmada, oo ay shalay ka saareen Al shabaab, waxaana ka bixitaankooda ku micneeyeen xeelad dagaalka. 

Degmada Badhaadhe, oo qiyaastii 200KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay gacantau gashay Al shabaab Bishii January, ee 2016-kii. 

Waxaa deggan hadda xaaladda degmada, oo markale gacanta u gashay Al shabaab. 

Ciidamada kasoo baxay Badhaadhe ayaa la sheegay inay u ruqaansadeen dhanka degeenka Kulbiyoow oo qiyaastii 40KM u jiro xadka ay Somalia la wadaagtodalka Kenya, sida ay dadka deegaanka sheegeen. 

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, ayaa shalay u sheegay warbaahinta in la wareegista Badhaadhe ay qeyb ka tahay howlgal military oo Al shabaab looga saarayo guud ahaan Jubbooyinka iyo Gedo. 

Al shabaab ayaa ku sugan degmooyin iyo deegaano ku dhaw Kismaayo, oo Buulo-Gaduud ay ka mid tahay , halkaasi oo dhowr Jeer ka dhacay duqeymo lagu dilay Xubno sare oo kamid ah Kooxda. 

Ciidamada Kenya, oo dalka soo galay Oct. 2011 ayaa waxaa ku fashilmey Howlgalka ay AMISOM u xilsaartay ee ah inay Al shabaab ka saaraan guudahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM