Al-Shabaab oo dishay 4 qof, kana hadashay sababta ay u weerarto Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taalla degaanka Kamsuma ee gobolka Jubbada Hoose ku toogatay afar nin oo ay ku eedeysay inay u basaasi jireen Sirdoonka Ingiriiska, Jabuuti iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku shaacisay warkan Idaacadda afkeeda ku hadasha ee Andalus maanta oo Axad ah, waxaana ragga la toogtay magacyadooda lagula sheegay Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa, Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa, Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa iyo Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa.

Maxamuud Abuukar Xaaji iyo Aweys Ismaaciil Aadan waxay Al-Shabaab ku eedeysay inay u basaasi jireen NISA, halka Cilmi Warsame Cumar isna lagu soo oogay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Ingiriiska iyo Cumar Cabdullaahi Cabdi oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti.

Waa toogashadii labaad oo mudo labo todobaad ay Al-Shabaab ku fuliso shaqsiyaad ay ku eedeysay basaasnimada, iyadoo dilkii ugu dambeeyay loogu geystay shan ruux degaan ku yaalla gobolka Baay.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa sheegtay in sababta ay u weerarto Hoteelada Muqdisho ay tahay inay ku beegsanayaan saraakiil katirsan Sirdoonka dowladda Soomaaliya.

"Ma weerarno Hotel kasta oo Muqdisho ku yaalla, laakiin waxaan beegsanaa kuwa gaar ah oo Sirdoonka dowladda ay degan yihiin," ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere].

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Hotel ay degan yihiin dad shacab ah aan lagu xireynin dhagax iyo derbmiyo ciid ka sameysan, islamarkaana aan Askar ilaalo ka qabaneynin.

Cali Dheere ayaa sheegay in Saraakiisha dowladda iyo mas'uuliyiinta qaar aysan lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, sidaasi darteedna ay degaan hoteelada, kuwaaso oo Al-Shabaab ay ku qaado weerarada.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda ayaa isku dayaysa inay afgembiso dowladda Soomaaliya ee reer galbeedku taageeraan ee fadhigeedu yahay caasimadda, taasoo amni ahaan ku tiirsan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM