Al-Shabaab oo dishay nin ajnabi ah, kuwa kalena xabsiga dhigtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku dishay nin Ajnabi ah, oo la sheegay inuu u dhashay Masar, oo lagu magacabi jiray Abu Anas Al-Misri, sida ay baahisay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Dilka Al-Misri oo ka dhacay Masaajid dhexdiisa, ayaa loo adeegsaday Bam-gamceed lagu ganay, markii uu diiday inuu isku soo dhiibo dagaalyahano Al-Shabaab kamid ah oo lasoo siiyay amar ah inay isaga soo xiraan.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa xabsi dhigtay xubnoo kale oo Kooxda katirsan, iyadoo ku raadjoogta hogaamiye lagu magacaabo Macalin Daa'uud oo kooxda horey ugu qaabilsanaa gobolka Gedo.

Macluumaadka hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay in xubnaha la xiray iyo hogaamiyaha ajnabig ee Masjidka lagu dhex khaarijiyay lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Ururka Daacish.

Al-Shabaab iyo Daacish oo ka midaysan inay yihiin Ururo loo aqoonsan yahay waxa loogu yeero argagaxiso, ayaa hadana isku haysta awooda maamul ee Koonfurta Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay ay ku xoog badneyd Al-Shabaab.

Tani waxay imaaneysaa xili Mareykanka uu kordhiyay bilooyinkii lasoo dhaafay weerarada cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo lagu dilay xubno iyo hogaamiyeyaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM