Al-Shabaab oo duqeyn looga dilay xubno ay ajaaniib ku jiraan

Image
Cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal ka wada gobolka Mudug [Photo: State media]

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa fuliyay duqeyn ka dhan ah dagaalameyaasha Al-Shabab Talaadadii, waana talaabadii militari oo lala beegsado garabka Al-Qaacida ee Bariga Afrika tan iyo markii maamulka Biden uu qabtay xafiiska bishii Janaayo.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Al-Shabaab ay ku weerartay Danab, cutub ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku tababaray, meel u dhow magaalada Gaalkacayo ee waqooyiga dalka, sida ay sheegtay afhayeenka Pentagon, Cindi King.

King ma aysan shaacin tirada Al-Shabaab uga dhimatay duqeynta. Hase ahaatee, wararku waxay xusayaan in 50 maleyshiyo oo ay ku jiraan saddex ajnabi. Duqeynta waxay ka dhacdey degaanka Caad oo waqoyga ka xigta Bacaad-weyn gobolka Mudug.

Maamulka Biden wuxuu shuruudo cusub ku soo rogay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka baxsan aagagga dagaallada firfircoon markii ay la wareegeen xafiiska Janaayo, 20, "si uu waqti ugu helo diyaarinta siyaasad cusub oo joogto ah".

Maamulka Trump oo dejiyay sharciyo ballaaran oo ku saabsan hakinta duqeynta waddamo gaar ah ayaa u igmaday taliyeyaasha aagagga in ay go'aamiyaan goorta la fulinayo, balse soo jeedimaha joojintaas waxay u muuqataa in Aqalka Cad ka maarmayo.

Aqalka Cad ayaa horey u diidey codsiyo kooban kana yimid taliska ciidamada ee Afrika ee ahaa in la qaado weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhanka ah bartilmaameedka Shabaab ee Soomaaliya sabab la xiriira in aysan buuxin shuruudaha cusub.

Laakiin kiiskan, Mrs. King waxay tiri "oggolaanshaha Aqalka Cad looma baahna maadaama Taliska Afrika uu leeyahay awood uu ku sameeyo weerarro lagu taageerayo xoogagga isbahaysiga iyada oo la adeegsanayo waxa ay militarigu ugu yeeraan is-difaacid wadareed".

Inti uu Trump xafiiska joogay, in ka badan 700 oo ciidan Mareykan ah oo fadhigoodu yahay Soomaaliya si ay ula taliyaan una caawiyaan militariga iyo xoogaga argagixiso la dirirka Soomaaliya ayaa loo wareejiayy saldhigyadda Kenya iyo Jabuuti.

Marwo King ayaa sheegtay in ciidamada kumaandooska ee Danab ay idin uga haystaan dhigooda Ameerikaanka ah in ay kaligood ka howlgalaan degaanadda fog-fog ee argagixisadda ku dhuumaaleysato.

"Ma jirin ciidamo Mareykan ah oo la socda ciidamada Soomaaliya intii ay socdeen howlgalkaan," ayay Mrs. King ku tiri qoraalkeeda. "Askarta Ameerikaanka ah waxay wadeen hawlgal latalin iyo kaalmo fog ah oo lagu taageerayo saaxiibadeena Soomaaliya".

Mrs. King ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya Al Shabab iyo ciidamada Soomaaliya uu dib u dhac ku keenayo qiimaynta Taliska Afrika ee duqeynta, waana tii todobaad ee guud ahaan sanadkan ka dhan ah mintidiinta, laakiin tii ugu horeysay tan iyo Janaayo 19, maalin ka hor caleema saarka Madaxweyne Biden.

Hakadka ayaa wuxuu aaday iyadoo maamulka Joe Biden uu ka fekerayo bal inay ka laabtaan ka bixitaankii militariga Mareykanka ee Soomaaliya ee ku dhaqaaqay amarka Donald Trump kaasoo lagu dhaleeceeyay siyaasad qalafsan oo uu ku wajahay wadamadda soo kobanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowladda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 04:38PM

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay agagaarka degmada Bulo Burte

Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymahaas uu fuliyay Mareykanka.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 07:53AM