Al-Shabaab oo "gudoomiye" cusub u magacawdey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa "gudoomiye" cusub u soo magacawday Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, oo ay ka fuliso weeraro sidoo kalena ka hesha lacago ay si qasab ah uga qaado ganacsatada.

Wakiilka cusub oo ah nin si qarsoodi ah u shaqeyn doona ayaa lagu magacaabaa Daahir Macalin Salaad, oo mudo dheer kasoo mid ahaa garabka Sirdoonka Al-Shabaab ee loo yaqaano "Amniyaat".

Daahir ayaa bedelaya Cali Maxamed Xuseen [Cali Jabal] kaasoo Mareykanka ku diley duqeyn diyaaradeed bishii July ee sanadkii 2017 taasoo ka dhacday duleedka degaanka Tortoroow, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM