Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil Faarax

Image
Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in haweenaydan ay khaarijisay kooxda hubeysan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa gaashaanka ku dhufatay in ay ku lug-leeyihiin dilka la sheegay in lagula kacay Ikraan Tahliil Faarax, sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

"Kama dammbeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay'adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas," ayaa lagu yiri qoraal Al-Shabaab maanta soo saartay.

Hooyada dhashay Ikraan ayaa horey u sheegtay "in hadii la dilay Gabadheeda ay u heysato Fahad Yaasiin, oo ah taliyaha NISA iyo gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo.

Dhanka kale, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, ayaa uu BBC-da u sheegay in uu isaga shaqada qorey Ikraan Tahliil, shakina uu ka qabo sida dilkeeda loo sheegayo ay wax u jiraan.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay waxay ku dhawaaqdey "in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil Faarax kadib markii ay u gacan-gashay".

Qoraal kasoo baxay NISA oo ciwaan looga dhigay "Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi" ayaa lagu sheegay "in ay ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah".

Dhawaqa NISA ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore ay hooyada Ikraan ay ku hanjabtay in ay qadiyadeeda isku rogi doonto dagaal qabiil haddii cadaalad ay u heli wayday Inanteeda.

Ikraan oo la waayey laba bil kahor ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM