Al-Shabaab oo iska hor-imaad looga dilay "sarkaal Kenyaan ah"

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay degaanka Halgan oo hoos-taga magaaladda Buulaburde ee gobolka Hiiran, bartamaha dalka Soomaaliya.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka halkaasi ku nool, iska hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay dagaalameyaal ka tirsan kooxda la magac-baxdey Macawiisle iyo rag taabacsan ururka Al-Shabaab.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in duulaanka oo ay qaadeen xubnaha Macawiisley uu sababey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala diray labada daraf ee diriray.

Sarkaal sare oo u hadlay Macawiisley una waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa wuxuu dhankooda ka fugeeyay in "haba yaraatee" waxyeelo aysan dhankooda kasoo gaarin isku dhacaasi mudada socday.

"Goob ay xoolo ku qasheen oo ay Amiirkoodii gobolka joogey baan weerarnay iyaga oo qorsheynayay in ay nagu soo duulaan. Xubno uu ku jiro sarkaal Kenyan ah ayaana ku dhintay," ayuu yiri.

Sarkaalkaasi ajnabiga ah oo lagu magacaabo Maxamed ayaa u dhashay Kenya, sidda laga soo xigtay dagaalamaha ka tirsan Macawiisley, oo raaciyey: "Meesha aan ku kadinay horey ayay xoolo nooga dhaceen".

"Dadka degaanka ayaa noo sheegay in uu kamid yahay yahay saraakiisha ugu sareysa Shabaabka gobolka Hiiraan, uuna ku hadli jiray luqada Sawaaxiliga balse magacyada uu bedelan jiray," ayuu xusay.

Ma cadda hadii uu ahaa Kenyan asal ah ama Soomaali-Kenyan. Marka laga soo tago sheegashada Macawiisley, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalkan.

Degaanka Halgan ee aroornimadii Axad maanta ah ay ka dhacday is-rasaaseynta ayaa 4 KM dhanka Bari ka xiga magaaladda Buulaburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay joogaan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

Maalmo kahor ayay ahayd markii weerar lagu ekeeyay ciidanka Jabuuti looga dilay askar badan xili howlgalo ay sameeyeen kadib dhacdadaasi ay kusoo qabqabteen tobanaan ruux oo qaarkood wali ay xiran yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM