Al-Shabaab oo "ka faa'iideysan karta" khilaafka doorashada
MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab kaliya iskuma dayeyso in ay fuliso ku wiiqdo coddeynta 2020-21 balse waxay goobeysaa sidii danaheeda uga dhex-fushan lahayd, sidda lagu sheegay qormo lagu daabaacay Worldpoliticsreview.
Qormadaas oo ciwaan looga dhigay "cabsida weeraradda Al-Shabaab soo sii kordhaya kahor doorashooyinka dib-u-dhacay ee Soomaaliya" waxaa qoray Cabdullaahi Cabdile Shaadow, oo la sheegay in uu yahay baarey madax-banaan.
Warbixinta oo madaxda Soomaalida ugu baaqdey in ay ahmiyadda koowaad siiyaan xalinta khilaafaadka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo sugida ammaanka ayaa ka digeysa in xoogaga hubeysan ay ka macaashto khilaafka.
Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa caasimadda Muqdisho ka geysatay saddex weeraro culus kuwaasoo kuwaasoo badankooda ay ku leedeen dad shacab ah.
Sidda laga soo xigtay warbixinta, weeraradan oo si lamid ah dhacay intii loo diyaar-garoobayey doorashooyinkii 2016-kii kuwaasoo inta badan lagu beegsaday ergooyinka dooranaya Xildhibaanada ayaa sii kordhi kara maalmaha soo aadan.
Faaladda ayaa lagu soo xigtay hadal uu sheegay Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ahaa in ay Xildhibaanimo isku soo shareen "xubno ay wadatay" maleyshiyadda hubeysan.
"Al-Shabaab waxay u muuqataa mid kaliya aan u socon in ay carqaladeyso geedi u socodka coddeynta iyaddoo adeegsaneysa rabashado balse waxay sidoo kale goobeysaa in ay doorashooyinka u dhacaan sidday dooneyso," ayaa qoraagu raaciyey.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa kal hore waxay caddeysay in hadii doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaanka qabiilka ee 4.5 ay soo bixi karaan Xildhibaano Al-Shabaab ah maadaama ay kal hore sii xareysatay odayaasha.
Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore ee hay'adda sidoonka Qaranka oo u waramay Universal Tv, ayaa ka dhawaajiyey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay magaalada Muqdisho ka daabushay odayaal soo xulay Xildhibaano.
Balse wuxuu tafaasiil dheeraad ah ka bixin waayey fariinta loosoo dhiibay iyo goobta la geeyay. Dowladda kama falcelin sheegashooyinka ka yimid Sanbaloolshe.
Al-Shabaab ayaa sanadkan la rumeysan yahay in ay ka dhaqaale buuran tahay. Warbixino ay soo saareen Hay'addo cilmi-baaris waxaa lagu xusay in ay uruursatay 80 milyan Doolar, taasoo sii kordhineysa casbida in ay saameyn yeelato.
GAROWE ONLINE