​Al Shabaab oo ka hadashay sababta ay Galkacyo u weerareen

Image

MUQDISHU, Somalia- Afhayeenka Xararkada Shabaab ayaa ka hadlay weerar Axaddii hore ka dhacay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kaasoo lagu dilay in kabadan 20 ruux oo shacab iyo ciidamo isugu jiray kadib markii labo qarax ka dhaceen nawaaxiga xarunta dowladda hoose.

Cali Maxamud Raage (Cali dheere), ayaa sheegay inay joogtayn doonaan weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada Puntland isagoo sababta ku tilmaamay inay tahay xukuumadda Puntland oo gacansaar la leh dowladda Ethiopia iyo dalalka reer Galbeedka.

Cali Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxyadii Galkacyo ku dileen saraakiil katirsan ciidamada difaaca Puntland.

Shacabka Puntland ayuu fariin u diray isagoo xusay inaysan bartilmaameedku ahayn iyaga ee ay beegsanayaan dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday duqayn ay la beegsadeen xarunta wasaaradda Gaadiidka dowladda Federalka Somalia isagoo sheegay inay kamid tahay howlgalladooda joogtada ah ee ka dhanka ah xukuumadda Somalia.

Arrintan ku saabsan Puntland ee uu ka hadlay Cali Dheere ayaa kusoo beegantay muddo kadib markii ciidamada difaaca Puntland jab xooggan soo gaarsiiyeen mallayshiyaad soo duulay oo katirsan Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM