​Al Shabaab oo ka hadashay sababta ay Galkacyo u weerareen

Image

MUQDISHU, Somalia- Afhayeenka Xararkada Shabaab ayaa ka hadlay weerar Axaddii hore ka dhacay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kaasoo lagu dilay in kabadan 20 ruux oo shacab iyo ciidamo isugu jiray kadib markii labo qarax ka dhaceen nawaaxiga xarunta dowladda hoose.

Cali Maxamud Raage (Cali dheere), ayaa sheegay inay joogtayn doonaan weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada Puntland isagoo sababta ku tilmaamay inay tahay xukuumadda Puntland oo gacansaar la leh dowladda Ethiopia iyo dalalka reer Galbeedka.

Cali Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxyadii Galkacyo ku dileen saraakiil katirsan ciidamada difaaca Puntland.

Shacabka Puntland ayuu fariin u diray isagoo xusay inaysan bartilmaameedku ahayn iyaga ee ay beegsanayaan dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday duqayn ay la beegsadeen xarunta wasaaradda Gaadiidka dowladda Federalka Somalia isagoo sheegay inay kamid tahay howlgalladooda joogtada ah ee ka dhanka ah xukuumadda Somalia.

Arrintan ku saabsan Puntland ee uu ka hadlay Cali Dheere ayaa kusoo beegantay muddo kadib markii ciidamada difaaca Puntland jab xooggan soo gaarsiiyeen mallayshiyaad soo duulay oo katirsan Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM