Al-Shabaab oo kordhisay weerarada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Kadib markii ay meesha ka baxday awoodii Ahlu Sunna horaantiisa sanadkan, Kooxda Al-Shabaab ayaa labbo-jibaartay weerarada magaaladda Dhuusamareeb, oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Saraakiisha amniga gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay jiro walaac soo wajahay dadka ku nool magaaladda, maadaama mudo ka badan saddex jeer ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadey tuulooyin ku dhaw caasimadda Galmudug, oo ay kula dagaalameen Ciidanka dowladda.

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degaan lagu magacaabo Miirdugul, oo ku dhaw Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka DF oo looga dilay askari magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali, iyadoo dhowr kale ay ku dhaawacmeen.

Ahlu Sunna ayaa mudo badan ka difaacaysay magaaladda Al-Shabaab, oo laga saarey ku dhawaad 10 sano kahor, waxaana hadda muuqata in markii amniga la wareegtay Galmudug ay ku dhiiratay Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida inay weeraro soo qaado.

Ciidamo ka socda dowladda ayaa Galmudug ka taageera amniga, maadaama maamulkan uusan wali dhisan Ciidan tayo leh oo Al-Shabaab ka ilaalin kara magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ah kuwa ugu muhiimsan ee maamulka Qoor Qoor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM