​Al Shabaab oo ku dishay Jilib nin u dhashay Tanzania

Image

JILIB, Somalia- Kooxda Al Shabaab ayaa degmada Jilib ku dishay Nin u dhashay dalka Tanzania, oo lagu magacaabi jiray Issa James Mwaisige, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Rwanda iyo Mareykanka.

Issa James Mwaisige, ayaa kasoo muuqday Video Cusub, oo Al Shabaab ku baahisay Baraha Internet-ka, waxaana lagu arkay Muuqaalka Ninkan oo qiranayo inuu ahaa Jaajuus.

Al Shabaab waxay sheegtay in  Issa James Mwaisige uu lacag dhan $4,000 oo USD ka qaadan jiray Bil kasta Sirdoonka Dalalka Mareykanka (CIA) iyo kuwa Rwanda si uu ugu basaaso Howlgalladooda.

Issa James Mwaisige ayaa katirsanaa Kooxda Al Shabaab mudo sanado ah, waxaana gacanta ku dhigay Amniyaatka Al Shabaab, oo ku eedeeyay inuu yahay Basaas ku dhexjiro oo ay soo adeegsadeen Sirdoonka Mareykanka iyo Rwanda.

Waxaa lagu tootgay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo Al Shabaab ay sheegeen inuu qirtay danbiyadii lagu soo eedeeyay.

Issa James Mwaisige ayaa ka shaqeynayay inuu u gacan geliyo Mareykanka ama u sahlo Dilka Hogaamiyaasha sare ee Al Shabaab iyo inuu ogaado tirada Dagaalyanada Ajnabiga ah ee ku sugan Somalia.

Maaha markii ugu horaysay ee ay dilaan ruux Ajnabi ah oo kooxdaasi ku tuhmeen inuu gacan saar la leeyahay waddamada kula jira dagaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM