GEDO: Al Shabaab oo la wareegtay deegaanka Tarako

Image

TARAKO, Somaaliya - Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Tarako, oo ku yaalla gobolka Gedo, kadib markii ay shalay gelinkii dambe isaga baxeen Ciidamada dowladda Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka oo ku sugan gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay Ciidanka Kenya ay faarujiyeen Deegaanka, balse inaysan garaneynin sababta ka bixitaanka

Waxay sheegeen in Ciidamada halkaasi kasoo baxay, ay u guureen saldhigyo ku yaalla degmada Ceel-Waaq, oo ay joogaann Ciidamo kale oo Kenyan ah, oo 5 maalmood kahor kasoo baxay Baardheere.

Deegaanka Tarako oo 55KM u jirta magaalada Baardheere waxay Ciidamada Kenya la wareegeen horaantii sanadkii 2015-kii, waxaana ay ahayd goob muhiim ah oo isku xirta degmooyinka gobolka Gedo.

Korneel Guhaad Maxamed Cumar oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gedo oo la Garowe Online, ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mas'uul ka yihiin in soo laabashada Al shabaab ee gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM