GEDO: Al Shabaab oo la wareegtay deegaanka Tarako

Image

TARAKO, Somaaliya - Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Tarako, oo ku yaalla gobolka Gedo, kadib markii ay shalay gelinkii dambe isaga baxeen Ciidamada dowladda Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka oo ku sugan gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay Ciidanka Kenya ay faarujiyeen Deegaanka, balse inaysan garaneynin sababta ka bixitaanka

Waxay sheegeen in Ciidamada halkaasi kasoo baxay, ay u guureen saldhigyo ku yaalla degmada Ceel-Waaq, oo ay joogaann Ciidamo kale oo Kenyan ah, oo 5 maalmood kahor kasoo baxay Baardheere.

Deegaanka Tarako oo 55KM u jirta magaalada Baardheere waxay Ciidamada Kenya la wareegeen horaantii sanadkii 2015-kii, waxaana ay ahayd goob muhiim ah oo isku xirta degmooyinka gobolka Gedo.

Korneel Guhaad Maxamed Cumar oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gedo oo la Garowe Online, ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mas'uul ka yihiin in soo laabashada Al shabaab ee gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM