​Fahfaahin: Al-Shabaab oo la wareegtay Fariisinkii Muqtaar Robow

Image

ABAL, Somalia - Al shabaab ayaa si buuxda ula wareegtay Tuuladii uu ku sugnaa Afhayeenkeedii hore, Mukhtaar Robow Abu Mansuur, kadib markii ay uga awood roonaadeen dagaalayahanadiisa dagaalkii maanta. 

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Illo-wareedyo, ayaa sheegayaan in Al shabaab ay ka saartey Abu Mansuur Tuulada Abal, oo 18KM Galbeed uga beegan magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool. 

Malleeshiyaadka uu watay Muqtaar Rooboow iyo kuwa Al shabaab oo hogaaminayo Xasan Yacquub iyo Maclin Geedow, oo Shabaab-ka u qaabilsan gobollada Galgaduud, Baay iyo Bakool ayaa ku dagaalamaya hadda dhulka miyiga ah ee ku dhaw Abal. 

Dagaalka ayaa waxa uu kasii soconayaa duleedka Abal, iyadoo ay Dagaalayahanada Mukhtaar Robow ay u muuqdaan kuwa looga awood roonaadey, oo u baxsanaya dhanka magaalada Xudur, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed. 

Mukhatar Roobow oo haysta int au dhaxaysa 400 illaa 700 oo dagaalayan ayaa waxaa looga qabsadey dagaalkii maanta ka dhacay Abal Gaari ciidan, hub fara badan iyo dhowr mooto, oo ay isticmaali jireen. 

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa waxa ay sheegay in saacadaha soo aadan ay Gurmad ciidan u diri doonaan deeganka uu ku sugan yahay Muqtaar Rooboow si ay usoo badbaadiyaan. 

Sababta Al shabaab u weeraray Abu Mansuur ahaa ah inuu wadahadal la galay dowladda Federaalka Somalia, isagoo uu Mareykanka ka qaadey Lacag 5 Million oo Dolar ah, oo madaxiisa la dul-dhigay 2013. 

Abu Mansuur ayaa kasoo goostay Al shabaab markii ay isku dhaceen Axmed Godane 2013, oo xilligaasi beegsi ku hayay hogaamiyaasha sare ee Al shabaab, iyo kuwa ajnabiga ah, oo isku khilaafay in magaca laga bedelo Al shabaab loona bixiyo Al Qaacidada Geeska Africa, taasi oo Godane diiday. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM