Al-Shabab oo la wareegtay deegaano ku dhaw Muqdisho

Image

BALCAD, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa si nabad ah kula wareegay maanta oo Sabti ah degaano ku yaala duleedka caasimadda dalka ee Muqdisho kadib markii ay soo faarujiyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Degaanadda oo hoos-yimaada degmada Balcad oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho, ayaa kala ah; Yaaqle, Dhagaxow, Kooreebe iyo tuulooyin kale oo muhiim ah, kuwaasoo ku teedsan wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada huwanta ah ee isaga soo baxay Tuulooyinka, ayaa la sheegay inuu jaheystay dhanka degmada Balcad, waxaana wali saraakiisha horkacaysa aysan fahfaahin ka bixinta sababta uga soo guureen saldhigyadooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Balcad ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay degaano ka tirsan Balcad ka wadaan roondo ay ku xaqiijinayaan amaankooda, iyaga oo shacabka la hadlaya.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in ciidamada dowladda dhankooda ay wadaan abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan degaanka, xili aysan caddeyn sababta ay marka hore uga baxeen.

Dadka ka faalooda arrimaha ciidanka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamada dowladda ee tuulooyinka dalka ay caqabad ku noqon karto dadaaladda Shabaab looga saarayo meelaha wali maamulkooda kusoo hoosjira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM