Al-Shabab oo la wareegtay degaan ku yaala duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabab ayaa lagu soo waramayaa inay si buuxda ay ula wareegeen gacan ku haynta degaanka muhiimka ah ee Qalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qabshadda Shabab ee Qalimow ay ka timid markii ay isaga hayaameen ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo halkaas joogay maalmihii dambe.

Ma cadda sababta ka dambeysay bixitaanka ciidamadda, balse, inta badan waxay Saraakiisha ku macneeyaan talaabooyinkaan oo kale "xeelad ciidan", inkastoo aan la ogeyn inay tahay sababta ay u faarujiyeen Qalimow.

Degaanka Qalimow oo ah mid muhiim ah ayaa ku yaalla wadada isku xirta magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka iyo degmada Balcad, taasoo ay adeegsadaan mas'uuliyiinta dowladda iyo kuwa HirShabeelle.

Qof kamid ah dadka degaanka oo u qariyay magaciisa sababo amaan ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online, in dagaalamiyaasha Al-Shabaab ay roondo ka sameeyeen gudaha iyo hareeraha tuuladda markii ay la wareegeen.

"Waxay isku kala qeybiyeen Labo. Koox waxay gaaf-gawareegayaan gudaha degaanka, halka kuwa kalena ay joogaan banaanka tuulada oo difaac ay ka galeen. Gaadiid dagaal iyo hub culus ayay wataeen," ayuu hadalkiisa raaciyay goobjoogaha.

Ma jiro mas'uul ka tirsan maamulka HirShabeelle, ama dowladda Federaalka oo ka hadlay warka ku aadan in Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Qalimow, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaanka Qalimow oo Waqooyi-bari uga beegan magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilooyinkii dambe marti-geliyay howlgalo iska soo horjeeda oo ay sameynayeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM