Al-Shabaab oo "laga dilay" saraakiil ay ajaaniib ku jiraan

Image

SABLAALE, Shabeellaha Hoose - Tirro 12 Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamadda Soomaaliya ka fuliyeen degmadda Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda.

SNA Radio, oo ah Idaacadda ku hadasha afka milatariga, ayaa Axadda maanta ah waxay warisay in howlgalkaas ay fuliyeen ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Danab.

Sidda lagu daabacay mareegga Idaacadda, howlgalka ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyey xaruntii Jabhadaha ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Xubnaha la dilay oo ay kamid yihiin "horjoogeyaal" ayaa, sidda laga soo xigtay saraakiil u warantay SNA Radio, waxay isugu jiraan Soomaali iyo ajaaniib.

Idaacadda ayaa magacyadda xubnaha la khaariyey waxay ku kala sheegtay; "Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa kuxigeenka horjoogaha Jabhadaha ama maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab una dhashay Dalka Tanzania,Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo kooxdaasi u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab, iyo Horjooge Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta Maleeshiyaadka  Jabhada Argagixisada".

Marka laga soo tago sheegashadda warbaahinta dowladda, ma jirto wax war ah oo ku saabsan howlgalkaas kana soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah goboladda ay joogitaanka ugu badan ku leedahay Al-Shabaab isla markaana ku yaaliin fariisimaha laga soo abaabulo weerarada ay ka fuliso magaalooyin ah ku jirto Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM