​Al Shabaab oo lagu duqeeyay tuulada Yimbis

Image

AFGOOYE, Somalia- Diyaarado dagaal oo loo malaynayo inay leeyihiin ciidamada militariga Mareykanka, ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaan ay maamusho Kooxda Al shababa oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeynta ayaa xalay saqdii dhexe waxay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Yinbis, oo ku dhawaad 15KM u jiro degmada Afgooye, halkaasi oo fariisamo ku leeyihiin Al shabaab, sida dadka deegaan u xaqiijiyeen GO.

Saraakiisha Al shabaab oo ku sugan deegaanka Yinbis, ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday weerarka Duqeynta ah, waxaana wararku xusayaan inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Mareykanka iyo Al shabaab midna kama hadlin weerarka, balse dadka deegaan qaar oo GO la hadlay ayaa tilmaamay in Deegaanka Yinbis saakay ay Al shabaab ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo ciidan.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore ugu weeraray Al shabaab deegaano iyo degmooyin ku yaallo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Weerarada cirka ee ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa waxaa fuliya diyaarado ay leedahay dowladda Maraykanka, waxaana howlgalka xalay dhacay loo badinayaa inay iyago ka dambeeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM