Al-Shabaab oo qabsatay degaan ay faarujiyeen ciidamada Kenya

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta tuulada Buusaar ee gobolka Gedo, markii ay ka baxeen ciidamada Kenya.

Illo degaanka ah ayaa xaqiijiyay in xoogaga ka tirsan howlgalka AMISOM ay u ruqaansadeen dhinca dalkooda.

Lama ogga waxa keenay in ciidamada Kenya ay baneeyaan tuuladaasi oo noqonaysa degaankii labaad oo kamid ah gobolka oo ay faarujiyaan.

Labo todobaad kahor, waxay kasoo baxeen tuulada Faxfaxdhuun, halkaasoo ay durbadiiba la wareegtay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Buusaar ayaa qiyaasyii 30 KM dhinaca bari uga aadan magaaladda Ceelwaaq ee gobolkaasi, kuna dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa gacanta ku hayey Buusaar tan iyo 2012-kii markaasoo ahayd sanad kadib xiligii ay soo galeen Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Jubbaland wali kama aysan hadlin arrintaan, balse waxay horey u muujiyeen baqdin ku aadan talaabada maanta lasoo wariyay.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxwayne ku xigeenka koowaad ee maamulka Kismaayo, ayaa dalbaday in dowladda ay wax ka qabato arrintaan.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyada oo Jubbaland ay isku diyaarineyso doorashada madaxwaynaha iyo baarlamaanka oo bisha Agoosto loo mudeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM