Al-Shabaab oo saaka qabsatay Goofguduud Buureey

Image

Warrarka ka imaanaya gobolka Bay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidammo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Waajid sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa tuulada dagaal la'aan ku galay ka dib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi. Illaa hadda dhinacyada Al-Shabaab iyo maamulka Konfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan u dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Diinsoor.

Dhinaca kale dagaalo ayaa saaka laga soo weriyay inay ka socdaan deegaano u dhaxeeya tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dagaalada ayaa dhexmaraya ciidammada dawladda oo ay taageerayaan kuwa midowga afrika iyo ciidamada Al-Shabaab.

BBC

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM