Al-Shabaab oo saddex qof, oo uu ku jiro odey qoorta ka jartay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe qoorta ka jartay saddex ruux, oo midkood uu ahaa odey kamid ahaa ergadii doorashada Xildhibaanada ee sanadkii 2016.

Odeygan iyo Labada qof ee kale oo ay sheegtay Al-Shabaab inay ahaayeen Askar katirsan Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dilay goob fagaare ah, oo ku taalla degaanka Mubaarak, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay Al-Shabaab ku eedeeysay ragga ay dishay inay u basaasayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo eedeynta ay tahay mid hal dhinac timid, oo aaney jirin Maxkamad madax-banaan oo dadka kiiskooda dhageysatay.

Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda ayaa degaanada ay maamusho ka fulisa dilal ay geysato dad ay ku eedeyso inay basaasiin u yihiin sirdoonka dowladda Federaalka iyo dalalka ku lugta leh Soomaaliya, sida Mareykanka iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM