Al-Shabaab oo Sarkaal katirsanaa Daacish ku dishay Bu'aalle

Image

BU'AALLE, Somalia - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay sarkaal inuu katirsanaa Daacish uga shakisay ku dishay degmada Bu'aalle.

Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] ayaa lagu toogtey degmada, kadib markii Sirdoonka Al-Shabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay garabka Daacish uga dagaalama Somalia.

Abu Zakariye ayaa horey isku khilaafeen Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jira Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii.

Wadahadal kadib ayuu dib ugu laabtey Al-Shabaab, oo markii hore ka cararay, isagoo mudooyinkii dambe ku nooloo, kana barbar dagaalamayay Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda, oo ugu dambeyntii gacanteeda ku baxay.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka dhaxeeya dagaal, iyagoo ku loolamaya qaadista lacagaha ay ku tilmameen "Zakada", waxaana kooxahan ku dagaalameen duleedka degmada Qandalla, ee gobolka Bari, iyagoo iska dilay xubno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM