Al-Shabaab oo shacab ka afduubtay duleedka Afgooye

Image

AFGOYE, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa labo qof oo beeralay ah ka afduuntay meel ku dhaw degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 30KM dhanka waqooyiga galbeed uga beegan Muqdisho.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in labada nin Al Shabaab raggan kasoo afduubtay beer ku taalla duleedka Afgooye, iyagoo watay Makiinad Cagaf ah oo ku falayeen Beeraha.

Al shabaab ayaa dab qabadsiisay makiinada, kadibna wadatey labadaasi nin, oo ula dhaqaaqday meel aan wali la ogeyn, balse kamid ah goobaha ay maamusho ee gobolka Shabeellaha hoose.

Sababta ka dambaysa in Al shabaab afduubto Beeralaydan ma cadda, balse saraakiisha ciidamada Afgooye waxay sheegeen inay ku raadjoogaan afduubiyaasha, kana soo badbaadin doonaan labada qof.

Afduubkan ayaa imaanaya xilli ay Al Shabaab xalay weerar xooggan ku qaaden Afgooye, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhawac, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Garowe Online. Halka ka akhri Warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM