Al-Shabaab oo shaqaale samafal ku qafaalatay Gedo [Goobta lagu hayo]

Image

GARBAHAAREY, Jubbaland - Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in degaanka Gura oo 30-KM u jira degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ay shalay ku afduubatay shaqaale samafal oo ka tirsanaa hay’adda maxaliga ah ee Gowda.

Wadarta guud ee gacanta Al-Shabaab ku jirta ayaa la sheegay in ay tahay 7 shaqaale iyo labo gaari oo ay wateen, iyada oo ay si dirqi ah kusoo baxsadeen howl-wadeeno kale oo gaaraya 5.

Iimaan Cadow Kaashe, gudoomiyaha Garbahaarey oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in shaqaalaha soo baxsaday ay gelinkii dambe ee shalay ay soo gaareen xarunta gobolka Gedo.

"Xogta aan hayno waxa ay sheegaysaa in shaqaalahaasi la geeyay degaanka Ceel Cadde," ayuu Gudoomiyuhu hadalkiisa daba dhigay, isaga oo aanan soo hadal-qaadin talaabada ay qaadi doonan.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku saabsan eedaynta afduub ee loo jeediyay.

Hay’adda Gowda ayaa ka shaqeysa u gaarida dadka danyarta ah si gaar ah arrimaha caruurta ayey diirada saaraan, waxaana la sheegay in Abaartii ugu dambeysay ee dalka ku dhufatay ay wax badan ka tareen.

Inta badan magaalooyinka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dil iyo afduub loogu geystay shaqaalaha hay'addaha bini'aadanimada iyo saxafiyiinta oo labaduba u adeega bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM