Al shabaab oo sheegatay inay 39 Askari ka dishay AMISOM

Image

BULO MAREER, Somalia - Al shabaab ayaa sheegtay inay dishay 39 Askari oo katirsanaa Ciidamada AMISOM, kadib weerar ay ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen oo marayay duleedka deegaanka Buulo Mareer, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Al shabaab Cali Dheere ayaa xaqiijiyay inay hayaan Meydadka 39 Askari oo kasoo jeeda dalka Uganda, kuwaasi oo lagu dilay weerarka oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Golweyn iyo Buulo Mareera, oo ku yaalla wadada isku xirta Marka iyo Baraawe.

Cali Dheer ayaa xusay in 7 Sarkaal ay ku jiraan Askarta AMISOM ee la dilay, isagoo intaasi ku daray inay hayaan meydadkooda, iyo hub iyo gaadiid ay kasoo furteen. AMISOM oo ka hadashay weerarka, ayaa beenisay khasaaraha tirada badan, ee Al shabaab sheegatay.

AMISOM waxay xaqiijisay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM la kulmeen qarax miino, iyagoo ku safraya inta u dhaxaysa Beledul-amiin iyo Buulo Mareer, kaasi oo xigay weerar toos ah oo Al shabaab kusoo qaadey. Waxay sheegeen inay iska caabiyeen dagaalyahanada.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda gobolka oo lagu magacaabao Col. Muhyadin Yasin ayaa sheegay in 10 Askari ay ku dhinteen weerarka.

Ma jirto Illo-madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Al shabaab, ee ku aadan dilka 39-ka Askari ee kamid ahaa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ka socdo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM