Al Shabaab oo sheegtay inay dishay Wiilka Mukhtaar Roobow

Image

XUDUR, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa shaacisay inay dishay wiil uu dhalay Afhayeenkeedi hore Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, kadib dagaal maanta ka dhacay gobolka Bakool.

War lagu baahiyay Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in wiilka Roobow oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi uu ku dhintay dagaal qaraar oo ay kula galeen malleeshiyaad uu watay deegaanka Abal oo ku dhaw magaalada Xudur.

Dagaalka ka dhacay Abal, oo 18KM u jira magaalada Xudur ayaa yimid kadib markii Xoogaga taabacsan Mukhtaar Roobow iyo ciidamada Koonfur Galbeed ay duulaan ku qaadeen Al Shabaab-ka halkaasi ku sugan.

Al Shabaab ayaa intaasi ku dartay inay 4 qof ay ka dishay ciidamadii weerarka kusoo qaadey kuwasoo uu kamid yahay abaanduulihii malleeshiyaadka Roobow oo magaciisa ku sheegtay Manuur Ganeey.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku biiray dagaalka markii uu kululaaday, iyagoo si buuxa uga saaray Al Shabaab goobihii lagu dagaalamay oo ah dhul Miyi ah, oo duleedka magaalada Xudur ku yaalla.

Roobow iyo malleeshiyaadkiisa ayaa mudo ku dhaw 7 sano Al Shabaab kula dagaalamayay Abal, kadib markii Kooxdaasi uu kasoo goostay sanadkii 2012 xiligaasi oo Godane ku dilay degmada Baraawe hogaamiyaal sare oo Ibraahim Afghan uu kamid ahaa.

Mukhtaar Roobow waxa uu bishii August isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hadda booqasho ku marayaa qaar kamid ah maamul goboleedyada iyadoo aan la ogeyn ujeedka safaradiisa iyo xilka dowladda u magacawday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM