Al shabaab oo sheegtay inay la wareegtay Bariire

Image

BARIIRE, Soomaaliya - Dagaalyahanada Al shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaadey Saldhig Ciidamada Militariga dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa ku billowday qarax gaari oo lagu dhuftay afaafka laga galo saldhigga, kaasi oo jidka ay ku furanayeen koox hubaysan, oo markii dambe u suurta gashay inay gudaha u galaan saldhigga.

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay gudaha xarunta kaasi oo geystey khasaarooyin lixaad leh, oo labada dhinac soo kala gaarey, sida qaar kamid ah dadka degan Bariire, ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Qarax labaad ayaa wax yar kadib laga maqley gudaha saldhigga intii uu dagaalka socday, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid uu fuliyay qof is qarxiyey oo katirsan Al shabaab, oo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray watay.

War lagu baahiyay Warbaahinta Afka Al shabaab ku hadasha, ayaa lagu sheegay in dagaalyanada ay la wareegeen guud ahaan gacant ku haynta deegaanka Bariire, oo 60KM Koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Khasaaraha weerarka ka dhashay weli si rasmi ah looma xaqiijin, balse Al shabaab waxay sheegtay inay dishay 17 Askari, islamarkaana ay qabsadeen 11 Gaari, oo 5 kamid ah kuwa dagaalka yihiin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka, oo ku aadan weerarkii saaka, kaasi oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo Bariire lagu qaado tan iyo markii laga saarey Al shabaab bishii August.

Kahor inta aan Al shabaab laga saarin deegaanka, waxaa bishii May, ee sanadkan lagu dilay Askari katirsan Ciidamada gaarka Mareykanka ee loo yaqaan Navy SEAL, xilli ay halkaasi ku fulinayeen Howlgal qorsheysan.

Kadib la wareegita Bariire, 10 qof oo la sheegay inay ahaayeen Beeralay ayaa ku dhintay weerar Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen Beer ay ka shakiyeen oo ku taaley duleedka Deegaankaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magdhaw lacageed ka bixiyay dadkaasi lagu dilay weerarka, kadib markii Beelaha ay kasoo jeedaan ay diideen inay aassaan Meydadka, sidoo kalena dibadbaxyo ka dhigay Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM