Al Shabaab oo soo bandhigtay Ergooyin Xildhibaano ku doortay Cadaado

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Ururka Al Shabaab, ayaa barahooda Internerka ku baahiyay ku dhawaan 10 Oday dhaqameed oo ay kamid ahaa xubnihii Xildhibaanada Aqalka hoose ku doortay degmada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Raggan oo tiro ahaan gaarayay 7 Oday, ayaa lagusoo bandhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qabashadooda, ayaa keentay in Ergadaasi kooxda Al Shabaab u sheegaan inay ka laabteen fikirkii hore iyo la shaqaynta dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira.

Sawirro la baahiyay, ayaa muujinaya Odoyaashan oo lagu xareeyay qol ay suranyihiin Astaanta kooxdaas.

Qaar kamid ah raggaas oo waraysi laga qaaday, ayaa xusay inay doonayaan in la cafiyo si ay uga mid noqdaan dadka caadiga  ah iyagoo ballanqaaday inaysan faraha la gali doonin arrimo dowli ah.

Saraakiil katirsan kooxdaas, ayaa sheegtay inay cafiyeen Ergadan doorashada kagasoo qayb gashay Cadaado, waxayna uga digeen inay mar dambe ku laabtaan la shaqaynta maamullada dalka ka jira iyo dowladda Somalia, oo ay ku dhaliileen inay xiriir wada shaqayneed la leeyihiin ciidamo Ajnabi ah.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo dowladda Somalia, taasoo ku aadan qabashada xubnaha iyo mowqifka ay qaateen.

Waa markii ugu horaysay kooxdan gacanta ku dhigto shakhsi kamid ah Ergooyinka doortay Xildhibaanada Barlamanka cusub ee Somalia.

Arrintan, ayaa timid xilli muddooyinkii la bartilmaameedsanayay Ergooyinka wax ku doortay maamullada dalka Somalia, waxaana wixii ka dambeeyay soo xulista xubnaha aqalka hoose la dilay kudhawaad 4 Ergay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM