Al-Shabaab oo toogatay haweenay 'la shaqeysay' ciidanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala degaanka Shaw ee gobolka Hiiraan waxay ku toogatay haweenay magaceeda lagu sheegay Anfac Xuseen Muxumed.

Sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdan gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, Anfac ayaa lagu eedeeyay in ay ka shaqeynaysay ciidamada dowlad goboleedka HirShablle.

Tobanaan ruux oo shacab ah iyo horjoogeyaal ka tirsan dagaalameyaasha hubeysan balse aan la magacaabin ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay u soo daawasho tegay toogashada goobta.

Ma cadda haddii Anfac ay heshay nidaam maxkamadeyn cadaalad ah. Sidoo kale, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta in ay ka tirsaneyd ciidamada HirShabelle iyo qareeno difaaca doodeeda.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamadda HirShabelle ayaan wali ka jawaabin warkan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online uu doonayey in uu wax kaga waydiiyo qadiyaddan ayaan marnaba guuleysan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo gobolka Hiiraan ay ka jirto xiisad salka ku haysa qaabka loo maamulayo kuraasta doorashooyinka Aqalka Hoose ee federaalka ku metelaya maamulkaas.

Dagaalo salka ku haya is-qabqabsigaas ayaa ka dhacay meelo ay kamid tahay magaala madaxda gobolka ee Beledwayne. Khasaaro naf iyo maalba waa lasoo wariyey hase ahaatee lama ogga tiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM