Al-Shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay jaajuusnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala magaaladda Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe waxay Talaaladii shalay toogatay shan ruux oo ay ku eedeysay jaajuusnimo, sidda ay warisay warbaahinta Maleyshiyadda.

Shaqsiyaadka la toogtay oo dhamaantooda rag ah ayaa xukunkaas ay ku ridday maxkamad ay maamusho xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida waxaa lagula fagaare lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow.

Ceyrow oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab waxaa duqeyn diyaaradeed ku dilay ciidamadda sidda gaarka u tababaran ee Mareykanka.

Sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka ururkan argagixisadda ah, fagaaraha dilka toogashadda lagu fulinayey waxaa goobjoog ka ahaa boqolaal dadwayne ah iyo horjoogeyaal ka tirsan maleyshiyaddan.

Iyaddoo ay calaamad su’aal dulsaaran tahay hadii eedeysaneyaasha ay heleen maxkamadeyn cadaalad ah, magacyadooda ayaa kala ah;

1- Abuukar Xasan Maxamed oo lagu sheegay 32-jir lagu eedeeyay in uu wada shaqeyn lalahaa hay'adda CIA-da

2- Mahad C/qaadir Aadan [Mahad Qaadoole], 21-jir lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay CIA-da

3-Xasan Maxamuud Maxamed [Xasan dheere], 29-jir lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay CIA-da

4- Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan, 34-jir lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa CIA-da

5-Macalin Abuukar Maxamed Calasow, 63-jir lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay CIA-da.

Eedeynta mid walba sidda gaarka ah loogu jeediyey waxaa kamid ah in ay Mareykanka ka caawiyeen beegsiga saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa Soomaaliya wuxuu ka fuliyey in ka badan 170 duqeymo oo dhanka cirka ah, iyaddoo bartilmaameedk ugu badan uu ahaa Al-Shabaab, wallow ay ku naf-waayeen in ka badan 100 rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM