Al-Shabaab oo war kasoo saartey weerar ka socda Xarun ay wasaarado degan yihiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar toos ah ayaa ka socda gudaha dhismo ay degan yihiin dhowr wasaaradood oo katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaaladda Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online on rag hubeysan ay gudaha u galeen xaarunta ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Howlaha Guud iyo Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya shaqaalaha Wasaaradaha la weeraray oo kasoo boodaya daaqadaha dhismaha lagu jiro, oo gudahiisa rasaasta ka socoto, si ay uga baxsadaan ragga hubeysan.

Lama oga in wasiiradda wasaaradahan ay ku sugnaayeen xarunta la weeraray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo ku faantay inay la wareegtay xarunta Wasaaradaha ku shaqeeyaan, iyadoo aysan shaacin tirada dableyda weerarka ku lugta leh.

Labo qarax ayuu weerarka ku billowday kuwaasoo si weyn looga maqlay caasimadda.

Weerar ayaa lagu soo beegay xilli ciidamada militeriga ay kasoo baxayaan difaacyadooda gobollada Shabeellooyinka, iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u balan-qaadey shacabka Soomaaliyeed markii la doortey in Al-Shabaab uu dalka uga saarayo mudo labo Sano ah, islamarkaana uu wax ka qabanayo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM