Al-Shabaab oo weerar culus ku beegsatay xerooyin ciidanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in aroornimadii Sabtida maanta ah waxay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose.

Xerooyinka la beegsaday oo la sheegay in ay degan yihiin ciidamada Gorgor ee Turkiga tababaro ayaa ku yaala degmadda Awdheegle iyo degaanka Bariire.

Sidda ay soo wariyeen dadka degaanka, qaraxyadda oo u muuqday kuwa loo adeegsaday gaadiid waxaa xigay iska hor-imaad dhexmaray labadda dhinac.

"Khasaaro wuu jiraa. Laakiin maadaama aan loo dhawaan karin askarta ma jirto cid si rasmi ah tirokoob ugu sameyn karta," ayay ku dareen dadka degaanka.

Al-Shabaab oo guulo ka sheegatay weerakaas ayaa daaha ka rogtay in ay dishay askar ka tirsan guutadda Gorgor ee Turkiga tababaray. Balse, ma shaain tirro.

Saraakiisha ciidamadda Soomaaliya oo xaqiijiyey weerarka ayaa dhankooda waxay xuseen in ay iska caabiyeen weerarka isla markaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonan tirokoobka saxda ah ee khasaaraha uu weerarku sababay.

Degmadda Awdheegle iyo Degaanadda Bariire oo kaabiga isku haya waxaa sidaan oo kale horey uga dhacay weerar ku bilowday qaraxyo iyo kuwa toos ahaa.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli bilooyinnkii lasoo dhaafay ay jireen digniino ka imaanaya hay’addaha dhanka amniga ee Xalane iyo falanqeeyeyaasha oo ku saabsanaa in Al-Shabaab ka faa'iideysato xaalada cakiran ee dalku ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM