​Al Shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Image

GARISSA, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka Al Shabaab ayaa weerar khasaaro geestay ka fuliyay deegaan hoos yimaada degmada Gaarisa ee Waqooyi  Bari dalka Kenya, kuna dhaw xadka Soomaaliya.

Illo-wareedyo ku sugan Gaarisa, ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Haluqa, waxaana Al Shabaab ay bartilmaameedsadeen xarunta Shirkada Isgaarsiinta Safaricom.

Al Shabaab ayaa kasoo afduubey Haluqa qaar katirsan shaqaalaha Shirkaddaas qaabilsa Is-gaarsiinta.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in Dagaalyahanada Kooxda Shabaab, weerarka Haluqa kadib kusoo laabteen gudaha waddanka Somalia, oo la rumaysan yahay inay markii hore ka duulaan tageen.

Al Shabaaba ayaa tilmaamtay inay mudo kooban gacanta ku hayeen Haluq, islamarkaana ay meel fagaaro ah kula hadleen qaar katirsan Shacabka kuu dhaqan deegaankaas.

Ciidamo katirsan Militariga Kenya oo saldhig ku leh meel aan ka fogeyn deegaankaas, ayaan, wax jawaab ah ka bixin weerarka Al Shabaa.

Dhacdadan kama aysan hadlin maamulka Gaarisa iyo dowladda Kenya.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro sidan oo kale ku gaysata gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya, wixii ka dambeeyay markii ciidamada KDF soo galeen gudaha Soomaaliya bartamahihii sanadkii 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM