​Al Shabaab oo weerar ka gaysatay degmada Afmadow

Image

KISMAYO, Jubbaland- Wararka laga helayo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in xalay saq dhexe ku dagallameen ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland oo ay weheliyaan AMISOM iyo ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa socday ku dhawaad muddo labo saac ah, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil katirsan ciidamada Jubbaland ee ku sugan Afmadow, ayaa GO u sheegay inay ka hortageen weerar Al Shabaab soo qaaday xalay saq dhex islamarkaana jiraan khasaaro soo gaaray ciidamadooda iyo dhinaca Shabaab.

Taliyaha ciidamada ammaanka Jubbaland ee degmada Afmadow, Aar Sheekh Cali, ayaa sheegay inay dhinteen labo Askari, Hooyo iyo ilmaheed kadib markii Al Shabaab madfac ku dhufteen guri ay daganaayeen.

Wuxuu sheegay in dhinaca Al Shabaab khasaaro xooggan soo gaaray, waloow uusan xaqiijin tirada mallayshiyaadka ay ka dileen.

Goob jooge ku sugan degmada, ayaa sheegay in xalay jawiga Afmadow isbadalay islamarkaana ay abaaro 10:00pm xilliga geeska Afrika kusoo baraarugeen rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidamada Jubbaland iyo kooxda Al Shabaab.

Wuxuu caddeeyay in khadka Taleefoonka la jaray xilli hore, maalintii Sabtida, taasoo uu sheegay in ka dambeeyeen mallayshiyaadka Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland oo garabsanaya Al Shabaab, ayaa gobolka Jubbada hoose muddooyinkii dambe ka waday qorshe ay uga saarayaan halkaasi kooxda Al Shabaab, waxayna kala wareegeen deegaano dhowr ah oo kaabiga ku haya degmada Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM