​Al-Shabaab oo weerartay Golweyn

Image

GOLWEYN, Somalia - Xoogaga Al shabaab ayaa weerar culus saaka ku qaadey Fariisimo Ciidamada Midowga Africa, ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiil katirsan maamulka gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, in dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Dagaalyanada Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhigyada AMISOM.

Dagaal daqiiqado badan socday ayaa labada dhinac ku dhexmaray deegaanka, kaasi oo ay isku adeegsadeen hubka culus, kaasi oo cabsi geliyay dadka deegaanka, oo saaka ku waaberiistay rasaasta.

Al shabaab ayaa sheegtay inay mudo kooban ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Golweyn, inkastooo warkaasi ay beeniyeen Madaxda maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo Taliska AMISOM.

Lam oga khasaaraha dagaalka ka dhashay, balse Ilo ku sugna deegaanka waxay sheegeen inay Al shabaab iyo Ciidamada AMISOM ay uga dhinteen dhowr qof weerarka.

Golweyn, waa deegaan Istaatiiji ah oo ku yaalla inta u dhaxaysa Shalanbood iyo Buulo-Mareer, waxaana dhexmara wado muhiim u ah AMISOM, oo isku xirta Muqdishu iyo degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM