​Al Shabaab oo weerar ku qaaday Fariisinka AMISOM ee Biya Cadde

Image

BIYA CADDE, Somalia – Malleeshiyaad katirsan kooxda  Al Shabaab, ayaa weerar culus ku qaadey Saldhigga Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Biya Cadde, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Weerarka uu ku billowday Duqeyn Madaafiic ah, oo mudo 20 Daqiiqo ah Al shabaab ku garaacaysay Saldhiga Ciidanka AMISOM, kahor inta aysan fooda is-darin Labada dhinac.

Dhawaqa Madaafiicda iyo Rasaasta, ayaa laga maqlay inta badan Tuulooyinka ku dhaw  Deegaanka Biya-cadde, waxaana la sheegay inuu dagaalka ka dhashay Khasaaro, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dadka degaanka ayaa waxay kaloo sheegeen in xalay Saqdii dhexe ay kusoo baraarugeen daryanka Madaafiicda ku dhaceysa nawaaxiga Saldhiga AMISOM iyo qeybo kamid ah Tuuladooda.

Ciidamada AMISOM wali war kama soo saarin weerarka xalay lagu qaaday Saldhigooda.

Kooxdan ayaa kordhisay mudooyinkii dambe Weerarada ay ku qaadayso fariisimada Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, kuwa Maamul Goboleedyada, iyo sidoo kale AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM