​Al Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhiga Kulbiyow

Image

MUQDISHU, Somalia- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo dagaal toos ah  ku qaaday saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada hoose gaar ahaan degmada Badhaadhe.

Weerarka oo bilowday xalay saq dhexe ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu qaaday saldhiga Kulbiyow  oo kooxda Al Shabaab weerar xooggan horay uga gaysatay kaasoo lagu dilay ciidamo badan oo katirsan kuwa Kenya.

Khasaaro laxaad leh ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhashay dagaalka iyo qarax ka horeeyay waloow aan ilaa hadda xaqiiqo rasmi ah laga hayn.

Dagaalka ayaa soo gaaray saaka, waxaana madaafiic xooggan is-dhaafsaday labada dhinac.

Isgaarsiinta ayaa ka go'an deegaankaas, iyadoo aan la xaqiijin karin xaaladda rasmiga ah ee uu ku suganyahay saldhigga Kulbiyow.

Sarkaal katirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab lagu jabiyay dagaal toos ah oo markii hore soo qaadeen kaasoo socday ku dhawaad hal saac, balse markii dambe ay weerar rogaal celis ah kasoo qaadeen dhinaca Bari ee Kulbiyow, kaasoo ay ku jireen ilaa saddex qarax oo loo adeegsaday baabuur.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinacyada dagaallamaya.

27 January 2017 ayay ahayd markii Shabaab weerar ay u adeegsatay Qarax iyo dagaal ay ku qaadeen Saldhigaas oo fariisin u ah ciidamo kasocda Kenya.

Weerarkan ayaa yimid dhowr maalin kadib markii Al Shabaab ay baahisay qaabkii ay u weerareen Saldhigaasn horaantii sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM