​Al Shabaab oo weeraro ka fulisay Shabeellaha hoose

Image

BARRIIRE, Somalia- Dagaal iyo Duqeyn ayaa ka dhacay deegaan kala duwan oo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii Al shabaab ay weerareen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Somalia.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaadey deegaanka Ballid-doogle, oo ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ah oo halkaasi ku tababara askarta dowladda Somalia.

Sidoo kale, dagaalka Culus oo u dhaxeeya Malleeshiyada Al shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa sidoo kale waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Bariire iyo Lambar -Konton, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarada Al shabaab kuu qaadeen saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa kamid ah gobolada ay ugu xasiloonida xun gobolada dalka, waxaana gobolkaasi saamayn xoogan ku yeeshay dagaallo beeleed iyo weeraro Al shabaab ku qaadaan degmooyin iyo deegaanada ay maamusho dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM