Al-Shabaab oo weerartay degaan ka tirsan Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in saaka ay weerareen tuulada Wisil ee ku taala Waqooyi-Galbeed ee magaaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dableyda ay weerartay saldhig iyo goob laga abaabulo howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda degaanka.

Sida ay muujinayaan warbixinadda laga helayo dadka degaanka, dhinacyadda waxaa dhexmaray iska hor-imaad aad u culus kaasoo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

"Ciidamadda difaaca qaranka waxay si xoogan isaga caabiyeen weerarka ayaga oo dib u riixay maleyshiyaadka Al-Shabaab ee soo weeraray," ayuu yiri sarkaal magaciisa codsadey in aan la magacaabin.

Sarkaalka oo aan loo ogoleyn in uu warbaahinta u waramo ayaa intaas ku daray in uu jiro khasaaro soo kala gaarey darafyadda, hase ahaatee, wuxuu uga gaabsadey in aan lagu sameyn tirokoob.

Ma jiro war rasmi ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Al-Shabaab iyo ciidamadda dowladda. Isku-dhacaan wuxuu kusoo aadayaa xilli ay socdaan howlgalo loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka.

Degaanka Wisil waxaa gacanta ku hayey ciidamada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo cutubyo kale oo hoostaga dowlad goboleedka ay magaala madaxiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM