Al-Shabaab oo weerartay degaan ka tirsan Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in saaka ay weerareen tuulada Wisil ee ku taala Waqooyi-Galbeed ee magaaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dableyda ay weerartay saldhig iyo goob laga abaabulo howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda degaanka.

Sida ay muujinayaan warbixinadda laga helayo dadka degaanka, dhinacyadda waxaa dhexmaray iska hor-imaad aad u culus kaasoo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

"Ciidamadda difaaca qaranka waxay si xoogan isaga caabiyeen weerarka ayaga oo dib u riixay maleyshiyaadka Al-Shabaab ee soo weeraray," ayuu yiri sarkaal magaciisa codsadey in aan la magacaabin.

Sarkaalka oo aan loo ogoleyn in uu warbaahinta u waramo ayaa intaas ku daray in uu jiro khasaaro soo kala gaarey darafyadda, hase ahaatee, wuxuu uga gaabsadey in aan lagu sameyn tirokoob.

Ma jiro war rasmi ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Al-Shabaab iyo ciidamadda dowladda. Isku-dhacaan wuxuu kusoo aadayaa xilli ay socdaan howlgalo loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka.

Degaanka Wisil waxaa gacanta ku hayey ciidamada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo cutubyo kale oo hoostaga dowlad goboleedka ay magaala madaxiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM