Al Shabaab oo weerartay degmada Mahadaay

Image

MAHADAAY, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhex.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in iska hor-imaad daqiiqado socday uu Al Shabaab iyo ciidamada dowladda kuu dhexmaray Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee degmada Mahadaay.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku geeriyooday weerarka Al Shabaab, waxaana jira khasaaro soo gaaray dadka shacabka ah, inkastoo aan tirada wali la ogeyn.

Mas'uuliyiin maamulka degmada ayaa sheegay in ciidamada iyagoo ku howlan qaadista lacago canshuur ah suuqa Xoolaha ay weerar qaadmo ah kusoo qaadey dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Ciidamo gurmad ah ayaa goobta gaarey markii uu dagaalka mudo daqiiqado ah socday, kuwaasi oo dib u riixay xoogagii Al Shabaab-ka ee kusoo duulay, sida Goob-joogiyaasha ay u sheegeen GO.

Al Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada degmooyinka ay dowladda maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya xilli ciidamada AMISOM ay qorsheynayaa in dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay dhamaadka bishan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM