Al Shabaab oo weerartay Fariisin ciidan oo ku dhaw Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online, weerarka ayaa lagu qaadey fariisin ciidamada dowladda Federaalaka ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi oo ku taalla wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada dowladda ayaa iska-caabiyay weerarka, kadib markii gurmad xoog leh ka helaan Muqdisho, iyadoo dib loo riixay malleeshiyaadkii Al Shabaab ee soo weeraray kadib dagaal mudo daqiiqado ah socday.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud, oo daryankooda laga maqlayay goobo kala duwan oo ku dhaw halka uu dagaalka ka dhacay maanta. Lama oga tirada dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay iska-hor-imaadka.

Waxa uu ahaa weerar naadir ah oo Al Shabaab toos ugu qaado fariisin ciidan oo nawaaxiga Muqdisho ku yaalla, tan iyo markii Kooxda laga soo saarey caasimadda iyo magaalooyinka kale ee ku dhaw wixii ka dambeeyay sanadkii 2011.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kama aysan hadlin weerarkan, oo imaanaya xilli Ciidamada AMISOM ay isku diyaarinayaan inay Soomaaliya ka baxaan wixii ka dambeeya bisha December 31, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM