​Al Shabaab oo weerartay Kolonyo ay lasocdeen ciidamo socda Maraykanka

Image

KISMAAYO, Somalia- Kolonyo military oo ay la socdeen Saraakiil ciidan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu weeraray duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka GO helayo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay wadada u galeen Gaadiid ay wateen ciidamo isku dhaf ah oo kasocday Mareykanka, AMISOM iyo SNA xilli ay marayeen nawaaqiga deegaanka Buulo-Gaduud.

Weerarka ayaa dhaliyay Dagaalka saacado qaatey oo labada dhinac ku dhexmaray duleedka Buulo-Gaduud, waxaana wararku sheegayaan in Dagaalkaasi ka qeyb-qaateen Diyaarado Helicopters ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dileen askar badan, sidoo kalena ay ku gubeen dhowr gaadiid oo kuwa dagaalka ah. Balse, Mareykanka iyo AMISOM kama aysan hadlin sheegashada Al Shabaab.

Militariga Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro ka fuliyay deegaanka Buulo-Gaduud, halkaasi oo ay ku dileen Bishii June Hogaamiyihii Al Shabaab u qaabilsanaa weerarada dalka Kenya iyo Gobolada Jubbooyinka Maxa'ed Kuno.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Geeska Africa ayaa horey u sheegay in weerarada Somalia ka fuliyaan ay yihiin kuwa is-difaacid ah, sidoo kalena kaalintooda ay tahay oo kaliya la-talin iyo tababar.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu dhaliiyay inaysan samaynin horumar dhanka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab tan iyo markii dalka ay soo galeen 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM