Al-Shabaab oo wiil 15 jir ah ku toogatay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE - Kooxda Al-Shabaab ayaa Tuullo ku dhow degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ku toogatay wiil 15-sano jir ahaa, kaasi oo ay ku eedeeysay inuu kufsaday gabar Lix sano jir ahayd.

Al-Shabaab ma aysan baahin magaca wiilkaan, kaasoo lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degaank Shaaw, iyadoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal ruux oo isugu jira rag dumar iyo caruur.

Inta badan degaanada ku jira maamulka kooxda dagaalka kala soo horjeeda dowladdu caalamku taageero ee Soomaaliya waxaa ka dhaca falal noocaa ah, kuwaasi oo ay hay’addaha xuquuqul insaanka ay dhaleeceeyeen.

Xukunada ay fuliso Kooxda waxay isugu jiraan gacan-gayn, Karbaash iyo toogashada, kuwaasi oo ay marka hore soo go’aamisay maxkamad, taasi oo ay fadhiyaan Qaadiyaal, inkasta oo la sheego in eedaysanaha uusan qareen difaaca.

Maxkamadaha Al-Shabaab waxaa ay qirtay dowladda Soomaaliya inay u cadaalad doontaa qayb ka ah Bulshadda, taasi oo ay ka digtay, inkasta tani loo aanayay in garsoorka dalka uu wali ka jiro musuq-maasuq baahsan.

Bishii Julaayo ee sanadkaan ayay ahayd markii Wiil 24-sano jir ah ay Al-Shabaab xukun gacan-goyn ah kugu fulisay degaanka Kuunya-barrow, markaasi oo lagu soo eedeeyay inuu geystay fal xatooyo ah.

Isla bishaasi, kooxda ayaa xukun dil toogasho ah waxay ku fulisay Oday 93-sano jir ahaa, kaasi oo ay kusoo oogtay dacwad ah inuu cilaaqaad la lahaa dowladda, waxaana falka laga soo wariyay Gamboole, oo Shabellaha Dhexe ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM