​Al Shabaab oo xalay duqayn ka gaysatay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe hoobiyaal ku garaacay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Duqaynta ayaa lala eegtay xaafado u dhow madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed  iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay hal qof iyadoo dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 4 ruux oo kale.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay  dhinaca maamulka Koonfur Galbeed, balse waxaa si kooban weerarkaasi uga hadlay ciidamada AMISOM oo sheegay in duqayntaasi gaysatay khasaaro naf iyo hanti isugu jira.

Dhawr bilood kahor ayay ahayd markii Madaafiic sidaan oo kale loogu garaacay magaalada Baydhabo kuwaasoo.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulkaasi wado qorshayaal Al Shabaab looga saarayo deegaanada uu gacanta ku hayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM