​Al Shabaab oo xalay duqayn ka gaysatay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe hoobiyaal ku garaacay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Duqaynta ayaa lala eegtay xaafado u dhow madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed  iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay hal qof iyadoo dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 4 ruux oo kale.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay  dhinaca maamulka Koonfur Galbeed, balse waxaa si kooban weerarkaasi uga hadlay ciidamada AMISOM oo sheegay in duqayntaasi gaysatay khasaaro naf iyo hanti isugu jira.

Dhawr bilood kahor ayay ahayd markii Madaafiic sidaan oo kale loogu garaacay magaalada Baydhabo kuwaasoo.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulkaasi wado qorshayaal Al Shabaab looga saarayo deegaanada uu gacanta ku hayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM