Al Shabaab oo xeebta ka weeraray degmada Baraawe

Image

BARAWE, Somalia - Dagaalyahanno hubaysan oo katirsan Kooxda Al Shabaab, ayaa xalay saq dhexe dhanka xeebta ka weerartay degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan degmada iyo Al Shabaab ayaa dagaal toos ah ku dhex-maray Baraawe, kaasoo gaystay khasaaro kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaalka ay ku geeriyoodeen 10 qof labada dhinac katirsan, iyadoo sidoo kale dhaawacyo kala duwan gaareey dad badan, oo shacab ay ku jiraan.

Ugu yaraan 7 dagaalyahan oo Al shabaab ah iyo saddex Askari oo SNA katirsana ayaa lagu dilay dagaalka, kaasi oo billowday xalay saacadda markay ahayd 12:00 am.

Col Cabdiraxmaan Cilmi Cusman, oo kamid ah Saraakiisha militariga dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta in AMISOM ay indha-ka fiirsanaysay dagaalka, oo aan wax gacan ah siinin ciidanka xoogga ee iska-caabinta sameeyay.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex, ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay gubeen labo gaari oo nooca Cabdi bilaha ah, kukaasi oo ay lahaayeen ciidamada Millitariga Somalia.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa sheegay inay ku dileen dagaalka 15 Askari, islamarkaana ay gubeen 3 Gaari oo nooca dagaalka ah.

 Si kastaba, Xaalada degmada Baraawe ayaa maanta deggan.

Degmada Baraawe Al Shabaab waxay u ahayd xarun muhiim u ah, oo dhaqaalo badan kasoo gali jiray dhoofka dhuxusho, sidoo kalena ay degenaayeen hogaamiyaasheeda kahor inta aan laga saarin 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM