Al-Shabaab oo xubno looga dilay "howlgal abaabulan"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa khamiistii ku dilay 7 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab howlgal ay ka fuliyeen magaalada Garbahaarey ee gobolka koonfurta Soomaaliya ee Gedo, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowlada Jimcihii.

Aadam Cabdi Xirsi, Taliyaha howlgalka ee Garbahaarey, ayaa sheegay in ciidanka ay heleen xog ku aadan joogitaanka maleeshiyaadka ee tuulooyinka dhaca hareeraha magaalada.

"Ciidankeennu waxay ku sii faafeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen xagjiriinta waxaan dilnay toddobo ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab intii uu socday iska horimaad adag oo aan la galnay xagjiriinta," ayuu yiri Xirsi.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamadda Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaan jirin illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa yimid iyadoo ay socdeen gulufyo isdaba joog ah oo ay ciidamada Soomaaliya ku beegsanayaan Al-Shabaabka ku sugan gobolada bartamaha iyo koonfurta halkaasoo ay maleeshiyada wali gacanta ku hayaan dhulka miyiga ah, iyagoo fulinaya weeraro gaadmo ah iyo miinooyin lagu aasay.

Khamiistii, taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shaaciyey in uu duqeeyay xarun xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ku lahayd degmada Saakow ee gobolka Shabeellaha Hoose kana firxadeen maleyshiyaadkii ku sugnaa. Wuxuu xusay in aysan jirin waxyeelo rayid soo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM