​Al Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay qof Shacab ah, gobolka Baay

Image

DIINSOOR, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay qof Shacab ah oo ay ku eedeeyeen inuu duleedka degmada Qansaxdheere, ee gobolka Baay ku dilay Hal ruux Bishii lasoo dhaafay.

Maxkamadda ay leeyihiin Shabaab, ayaa sheegtay in xukunkaasi ku rideen Aadan Barrow oo 40 Jir ah, islamarkaana uu ka dhacay deegaanka Buulo Fulaay oo hoostagta degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ehelada Ninka ay dileen Al Shabaab ayaa sheegay in Wiilkooda uusan helin wax Cadaalada ah, islamarkaana xukunka lagu dilay ahaa mid hal dhinac ah, oo aan waafaqsanayn Sharciga Islaamka.

Al shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan inta badan ka fulisa xukunno  isagu jira Dil, Gacan-goyn, iyo Karbaash ay u gaystaan dadka Shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM