Al Shabaab oo ku xirtey gobolada dhexe 62 odey

Image

DHUUSO Mareeb- Wararka ka imaanaya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ururka Al-Shabab ay 62 odey ku xireen deeganno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Odeyaashan ayaa loo haystay sannad ka hor bixinta diyada 5 qof oo ka tirsan jufadooda oo ay iyaga dusha saarteen.

Diyada loo haystay odeyaasha ayaa gaaraysa 100 halaad islamarkaasna waxaa lagu ballamay in sannad kasta ay bixiyaan diyada hal qof.

Wararku waxay sheegayaan in sannadkani ay odeyaasha ka cago jiideen dhamaystirka bixinta diyadaasi.

Siddeed kamid ah odeyaasha ayaa lasoo daayay.

Gobolka Galgaduud qaybo kamid ah ayaa waxa ka arimiya kooxda Al Shabaab kuwasoo haysta inta badan degaanada baadiyaha.

Ururka Ahlu sunah oo kula dagaalamay ururka Al Shabaab gobolkaas ayaa ka arimiya degaanada ku teedsan laamiga oo ay ku jirto magaalo madaxda gobolkaas Dhuuso Mareeb.

Al Shabaab ayaa inta badan deeganada Koonfurta Soomaaliya iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya dadka ku nool waxaa ay isticmaalaan Maxkamadaha ururkaan xilli dowlada Federaalka nidaamkeeda cadaalada ku kooban yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyin khaas ah.

GO+BBC

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM