Alhu Sunna oo "isku maandhaaftay" qorshaha xukuumadda ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu waramayaa in uu ku guuldareystay go’aan mideysan oo ay ka gaaran qorsheyaasha xukuumada federaalka ee ka socda Dhuusamareeb.

Arrimaha taagan ee ururkan uu qoonsadey ayaa ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo ciidamo ka socda federaalka kuwaasi oo loo daabulayo magaaladda caasimadda u ah dowlad goboleedkaasi.

Xogta laga helayo dad ku dhow dhinacyada ayaa waxay muujineysa in kulan ay xubnaha ay ka go’do talada ururkan ka yeeshan arrimahan uu kusoo dhamaadey natiijo la’aan iyo "u kala jabka laba garab".

Garabka taageersan qorshaha dedaaladda Villa Soomaaliya ayaa waxay soo jeediyeen in fursad la siiyo xukuumadda, balse garabka kale waa uu ku gacan-sayray arrintaasi.

Macluumaadka ayaa waxay daboolka ka qaadayan in mid kamid ah garabka lagu wado in uu saacadaha soo aadan war kasoo saaro xaaladaha ka jira Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo ku biirtay dowlad goboleedka Galmudug heshiisna la gashay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa inta badan gobolada dhexe, halkaasi oo ay Al-Shabaab dagaal uga saareen.

Jawiga Dhuusamareeb ayaa siyaasad ahaan kacsanaa bilooyinkii lasoo dhaafay xili uu dib u dhac ku yimid doorashadii madaxweynaha maamulkan, haatana uu laba jeer baaqday shirkii dib u heshiisiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM